Halka uu sida Rasmiga ah ugu xiranyahay Xasan Daahir

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in Shiikh Xasan daahirAweys uu si rasmi ah ugu xiranyahay Xabsi ku yaala madaxtooyada kaas oo ay maamulaan hay’ada Nabad Sugida Qaranka.

Ilowaredkaan ayaa noo xaqiijiyay In Xasan Daahir Xalay uu ku hoyday gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kahor intaan saakay loo soo dhaadhicin Xabsiga Nabad Sugida ee ku yaala Madaxtooyada dhaxdeeda.

Xabsigaan ayaa ah mid ku yaala dhulka Hoostiisa, waxaana uu ka koobanyahay ilaa 8 qol iyo 3 musqul, waana mid aad loo ilaaliyo.

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here