Halis soo foodsaartay Xildhibaanimada Mahad Salaad

mahad salaadWaxaa halis weyn soo foodsaartay Xildhibaanimada Mahad Salaad oo kamid ah wasiiru Doowlayaasha, gaar ahaan garabka kooxda Damu-jadiid.

Safiirka Mareeykanka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa war qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiskiisa, waxaa loo diray madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug Guuleed, kaasoo lagu sheegay in Mahad Salaad uu kusoo baxay Doorasho sharci darro ah, kadib markii ay doorteen Ergo uu isaga soo xushay, kuwaasoo isugu jiray Qaraabadiisa iyo Ilaaladisa.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay safaarada Mareeykanka, waxaa lagu sheegay in Haweeneeydii la tartami lahayd Mahad Salaad laga celiyay ineey gasho Hoolkii ay Doorashada ka socotay.

Qoraalka kasoo baxay Mareeykanka ee eedeeymaha loogu jeediyay Mahad Salaad, ayaa ka dhigan ineey halis weyn soo foodsaartay sharci ahaanshaha Xildhibaanimadiisa, waxaana la sheegay in dacwad lagu soo oogay Kursiga Wasiiru Doowlada Madaxtooyada ay keeni karto in gabi ahaanba waxba kama jiraan laga soo qaado Doorashadiisa.

image-0-02-05-cea540482f3ce488c0c17e8a0796d2266633aa44c472be937185ecb485422825-v-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here