Halis siyaasadeed oo soo wajahday Madaxweyne Xasan & kooxdiisa

Halis siyaasadeed soo wajahday Madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisa
Halis siyaasadeed soo wajahday Madaxweyne Xasan iyo Kooxdiisa

Maalmo kahor ayay ahayd markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh si rasmi ah u shaaciyay, inuu yahay musharax u taagan in markale loo doorto xilka Madaxweynanimo ee Soomaaliya, Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyay, inuu la’imaan doono qorshe siyaasadeed cusub oo lamid ah lixdii Tiir.

Hadaba waxaa soo baxaya warar wadno qabad ku noqon doono madaxweyne Xasan Shiikh iyo Kooxdiisa ay xulufada ku yihiin siyaasada, taasoo ah inuu isa soo sharaxay Siyaasi miisaan culus ku leh Siyaasada Soomaaliya, islamarkaasina ay isku heyb yihiin Madaxweynaha.

Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah Madaxa Hay’ada CRD, islamarkaasina mattaano la ah Hay’ad Mareeykan ah oo lagu magacaabo WSP, mashaariic kala duwana ka fulisay Soomaaliya, islamarkaasna ku lug lahaa dhismaha maamulada dalka kajira, ayaa la sheegay inuu u sharaxanyahay jagada Madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2016-ka.

Jabriil Ibraahim cabdulle, waxaa la sheegay ineey saaxiibo aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha, islamarkaasina ay sanadooyin badan isla soo shaqeeyeen kahor intii uusan noqon Madaxweynaha Soomaaliya.

jabriil, ayaa la sheegaa inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Beesha Caalamka, gaar ahaan Mareeykanka, taasoo caqabad siyaasadeed ku noqon karta Hamigii Madaxweyne Xasan ee ahaa in markale lasoo doorto.

Caqabada kale ee is sharixida Jabriil ayaa ah, ineey isku jufo yihiin Madaxweynaha, taasoo sii kala qeybin karta awoodii beesha, waxaana hada socda olole ay wadaan kooxda ku xiran Madaxweynaha, iyagoo cadaadis xoogan saaraya Jabriil inuusan isa soo sharixin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here