Hal sano ayaa kasoo wareegtay marki Al Shabab ay ka baxeen Muqdisho

Bananaanbax balaaran oo lagu taageerayo ka bixisti Al Shabab ee magaalada Muqdisho 6-di August sanadki 2011 oo maanta ku beegan ayaa haatan ka socdo garoonka Koonis ee degmada C/casiis.

Dibad baxan oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal ruux ayaa waxaa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Banaadir waxaana la rajeynayaa inay kasoo qeybgalaan madax ka tirsan dowlada KMG.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayaa shalay marki uu yimid Muqdisho sheegay in loo baahanyahay in la weyneeyo maalinta 6-da August oo ah buu yiri maalinti xorriyada Muqdisho.

Dowlada KMG ayaa u bixisay maalintaasi maalinti Muqdisho laga xoreeyey Al Shabaab iyada oo amartay in sanad kasto la weyneeyo.

Al Shabab ayaa xilli saq dhexe ah oo ku beegan abaaro 2:30 habeenimo isaga guuray dhufeysyadi waaweynaa ee ay ku lahaayeen deegaanada Waqooyiga Muqdisho sida C/casiis, Kaaraan, Shibis iyo Boondheere taariikhda marki ay ku beegneyd 8-di August 2011.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here