Hague:William Ruto oo la maxkamadeeynayo

147D1012-60C5-4BE3-B7BE-38B38E0CD0B2_mw1024_n_sWilliam Ruto, oo ah M/weyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu kasoo hor muuqdo maxkamada danbiyada dagaalka Caalamiga ah ee Hague, waxaana uu ka jawaabi doonaa su’aalo ay Maxkamadu weydiin doonto oo ku aadan danbiyo loo haysto oo ku qotoma rabshadihii dalkaas ka dhacay xiligii doorashooyinka Madaxtinimada sanadkii 2007-2008.

Rabshadihii Kenya ka dhacay xiligii doorashada 2007-2008 ayaa inta la ogyahay waxaa ku naf waayay 15,000 oo qof, toro intaas kabadana way ku dhaawacmeen, halka kuwo kalena ay barakaceen.

Wararka ayaa sheegaya in dacwada Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo maanta bisha tahay 10-bilaabaneysa la soo hordhigi doono eedeymaha ku aadan dilka, barakaca iyo dhaawaca dadki rayidka ahaa, waxaana sidoo kale maanta Maxkamada hortagaya Joshua Arab Sang oo ah Wariye Kenyan ah oo isna dambiyada loo haysto ay kamid tahay kicinta dadka kasoo jeeda qabiilka Kalenjin oo uu ka dhashay iyadoo xilligii dagaalkana uu ka shaqaynayay idaacad ku hadasha afka Kalenjin oo maxalli ah.

Dacwada maanta ka bilaaban doonta Maxkamada ICC ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Kenya uu u codeeyay, inay isaga baxaan xubinnimada Maxkamada, iyadoo Afhayeen u hadlay Maxkamada uu sheegay in go’aankaas uusan wax saameyn  ah ku yeelan doonin dacwada loo heysto Madaxweynaha Kenya iyo kuxigeenkiisa.

Dhanka kale Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in bisha November uu hortago Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC, isagoo ka dalbaday maxkamada in aan isku mar Maxkamada looga yeerin isaga iyo kuxigeenkiisa, maadaama aanay dalka mar kaliya ka wada maqnaan karin.

Waxaa isha lagu hayaa Maxkamada maanta la saarayo Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo sida uu uga jawaabi doono eedeymaha loo heysto, iyadoo dadweynaha reer Kenya ay si gaar ah uga war dhowrayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here