Hadliye oo xaqiijiyay Shirka IGAD in maanta uu Muqdisho ka furmaayo

hadliyeWasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay qabsoomida Shirkaan Somaliya inay guul u tahay marka la eego xaalada dalka.

Waxa uu sheegay taariiqda Somaliya inay geli doonto in caasimada Muqdisho ay martigeliso Shirka Madaxda Urur Goboledka IGAD.

“Waxa weeyaan guul weyn oo Soomaalida  oo dhan iyo dowladda Federaalka usoo hoyatay in 7-da waddan ee IGAD madaxdooda isugu imaanayaan Muqdisho, waxaan u maleynayaa iney tahay markii ugu dambeysa oo 7 madax isugu yimaadaan Muqdisho iney ahayd 1974-kii, markii aqalka umadda la sameeyay oo OAU isku timid, marka waxa weeyaan in la tuso Adduunka in Soomaaliya soo hagaageyso, iney nabad tahay, inay cadowga iska celinayso, in Soomaaaliya ay ku tashatay inay kamid noqoto gobolka, Afrika iyo Adduunkaba, waxaa loo sheegi doonaa madaxda halka Soomaaaliya ay marayso, waxaa kaloo laga hadli doonaa Arrinta Koonfurta Sudan oo aad u cakiran iyo arrimo gudaha ah oo ururuka ka tirsan”

Hadliye, ayaa sidoo kale meesha ka saaray jiritaanka wararka la isla dhexmaraayay oo ku saabsan in shirka suuragal ay tahay inuu baaqdo.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya ayaa ku tilmaamay Ajandaha Shirka inuu yahay Arimaha ka taagan South Sudan, Somaliya oo arimaha Doorashooyinka laga hadlaayo iyo sidoo kale arimaha IGAD.

“Qof walbo oo shirka imaanayo Ajende wuu wadan karaa oo marka ugu dambeysa wuu keeni karaa, laakiinse ajendaha lagu heshiiyey ayaa ah Somaliya, South Sudan iyo in IGAD siday u shaqeyso laga hadlo waa waxa ugu horreeya oo la isla ogolaaday.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here