Hadal heynta ugu weyn Muqdisho maanta oo ah magacaabista Ra’isulwasaaraha

Iyadoo afar maalin un ay uga harsantahay mudada halka bil ee la rabo inuu madaxweynaha kusoo magacaabo Ra’isulwasaare ayaa waxaa hadal heynta ugu badan saakay Muqdisho ay tahay arrintaasi.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska madaxtooyada, shalay ayaa lagu waday inuu madaxweynaha ku dhawaaqo wasiirka koowaad ee xukumada cusub ee Soomaaliya, laakin maanta ayaa ah maalinta ugu danbeyso.

Saacadaha soo aadan ayey wararku sheegayaan in lagu dhawaaqi doono Ra’isulwasaaraha, laakin arinta ugu muhiimsan ayaa ah yaa loo saadaalinayaa.

Todobaadki lasoo dhaafay waxaa wararka kutura kuteenta ah hogaanka u hayey laba nin oo kala ahaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Maxamed Barre, laakin saacadihi ugu danbeeyey waxaa soo shaac baxay nin kale.

Ninkan oo la yiraahdo Saacid Garaad waa odayga ay u dhaxdo xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi oo ka mid ah haweenka ugu awooda badan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Inkastoo ay wax walba is badali karaan, hadana hadal heynta ugu badan ee saakay la isla dhex qaadayo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa ah in Ra’isulwasaaraha cusub uu noqon doono Mr, Shirdoon.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here