Habacsanaanta Xiriirka Kubada Koleyga Iyo Faragelint G.O.S.

Isdhax-yaaca Maamulka Isboortiga iyo Hadalada dadka sheegta Mas,uuliyiinta, ayaa ah mid kaaf iyo kala dheeri ah, iyadoona xaalada Isboortiga Soomaaliyeed ee Noqotay (ii daaya anaa wax waliba qaban karo).

Xiriirada Hoos yimaada Guddiga Olompikada Soomaaliyeed ee G.O.S ayaa u kala baxa 3-qeybood oo kala ah, 1- kuwo Magac ahaan u taagan ee aan waxba qaban, 2- kuwo wax tar leh balse aan awood muuqata laheyn, 3-Kuwo waxtarkooda iska yar yahay balse awood muuqata leh.

G.O.S had iyo jeer waxa ay carabka ku dhifataa in aysan faraha la gelin Howlaha Xiriirada Hoos yimaada, balse waxaa sida cad ceed oo kale u muuqata fara gelinta qaawan oo ay kooxda G.O.S had iyo jeer ku heyso Xiriirka Waxtarkiisa Muuqda ee K/Koleyga Balse Awoodiisa la kala qeybsaday.

Laga soo bilaabo tan iyo fashilkii ugu weynaa ee Ruwanda Gate, kaasi oo ay G.O.S ku fashilmeen xil ka qaadistii Eng. Baana Ali, balse daah gadaashii ay kasoo dhoob dhoobeen hadalo iyo shaqsiyaad ay jeebka ku wataan ayaa waxaa soo ifbaxday in gabi ahaanba ay meesha ka baxday Howshii baaxada weyneed oo uu Xiriirka K/Koleyga u haayay Eng. Baana.

Duraan Faarax waa awooda 2-aad ee G.O.S marka laga tago Guddoomiyaha G.O.S Mudane Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxa uu ku guuleestay in uu Meesha ka saaro Eng. Baana Ali oo uu u arkay in uu yahay ninka kaliya ee la tartami kara isla markaana la jaan qaadi kara howlaha Isboortiga ee Caalamka.

Lagama fiirsan shaqsigii lagu badali lahaa, balse waxaa lasii texgeliyay Shaqsi isku dhawaasho iyo xigto uu ku keensaday Duran Faarax, balse xilligaasi la isku raacay in uu yahay shaqsi ehel u ah Isboortiga, balse Su’aasha taagan waxa ay tahay Ma shaqsi ehel u ah Isboortiga oo kaliya ayaa samata bixin kara isboortiga Soomaaliya oo wax qabad u baahan, mise shaqsi wax tar iyo wax qabad leh ayaa samata bixin kara.

Daah ma saarna, mana aha wax qarsoon wax qabadkii Eng Baana, balse waxaa la wada ogyahay Abaalkii uu geystay iyo waxa loogu guday.

Xoghaya XSKK Saciid Faarax Waxa uu gabay Howshii loo Magacaabay, Xiriirka K/Koleyga Soomaaliyeed waxa uu u baahnaa shaqsi Howlaha ay ugu baahan yihiin Caalamka u kala wada sidii horeyba uu u howlahaasi u wadi jiray Xoghayihii hore Eng. Baana, balse waxaa nagu ogaal ah tan iyo intii loo Magacaabay xilkaasi in haba ugu yaraatee waxba uusan kusoo kordhin Xiriirka K/Koleyga.

Saciid Faarax waxa uu ka baaqsaday 2-Shir oo loogu baahnaa in Xiriirka K/Koleyga ay ka qeyb galaan, balse ma jirto cid is weydiisay iyo cid kula xisaabtantay intaba, waxaa sii dheer in xilligii laga qeyb galayay tartankii Jaamacada Carabta ee ka dhacay DOHA uu qarka u saarnaa in uu ka baaqsado ka qeyb galka tartankaasi, balse markii danbe Bahda Isboortiga ay isku raaceen in Saciid faarax Tikidkiisa laga dhiibo taasin ay suura gelisay ka qeyb galkiisa DOHA.

Xaalada ayaa isku badashay (Anigaa ku keenee anigaa kuu shaqeenayo), Duraan Faarax ayaa Asigoo sheeganaya in uu wakiil ka yahay Xoghayaha Xiriirka K/koleyga Soomaaliyeed Bishan March tagay Magaalada Nairobi si uu codsi u weydiisto Xiriirka Zoonka 5-aad ee loo yaqaan [Zone V basketball Federation] si ay u caawiyaan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga, taasi oo la yaab ku riday Bahda Isboortiga Soomaaliyeed oo is weydiiyay Ma G.O.S ayuu ka tirsan yahay, Mise Xiriirka Kubada Koleyga Ama Maamulka isboortiga ayaa wax ka qaldan.

Balse Su’aasha Taagan ayaa waxa ay tahay ma waxaa la waayay shaqsi ka tirsan Xiriirka K/Koleyga oo shaqadaasi qabta.?. Mise fara gelintii ay G.O.S in muddo ah dafireesay ayaa soo shaacbaxday.?. Su’aashaani hadii la hor dhigo G.O.S waxa ay kaga jawaabeesaa xiriiradeena waan u raadin karnaa caawinaad, balse caqliga saliimka waxa uu diidayaa Xiriir asiga ayaa xiriir kale codsi weydiista ee ma ahan in Guddi Olompic ee xiriir, xiriir kale codsi u weydiiisato.

Hadii ay G.O.S xiriir Kubada Koleyga Soomaaliyeed ay caawineeso Maxaa u diiday in 1000 kubadood ee deeqda loogu siiyey Xiriirka Kubada Koleyga oo weli ku xayiran Maqasiinka FIBA Africa loogu keeni wayey Xiriirka, Miyeysan G.O.S $600 oo gargo ay qalabkaasi ku bixiso aysan Awoodin halka qarash intaasi ka badan ay ku bixiso Madax ay sawiro lasoo galaan oo kaliya iyo damac sad bursi.

Guddoomiye kuxigeenka G.O.S waxa uu TV-ga Universal ka sheegay xilli hore in G.O.S aysan fara gelin ku sameeneen Xiriirada Hoos yimaada isla markaana Xiriir Waliba ay iyagu u madaxbanaan yihiin howlahooda shaqo, balse hadii ay jirto caawinaad ay G.O.S wax caawineeso Maxaa u diiday G.O.S in xilligii uu Baana joogay ay la shaqeeso Xiriirka, mise Xaalada ayaa xilligaan isku badashay Anaa ku keenee ha i ceebeen waan kula shaqeenayaa.

Duran Faarax waxa uu ku nool yahay Dalka UK gaar ahaan Magaalada London, isla London waxaa ku Nool Xoghayihii hore ee Xiriirka K/Koleyga Soomaaliyeed isla markaana ka Tirsan Boorka Zone V oo ah Madaxa Suuq Geynta FIBA AFRICA, hadaba Duran ma waxa uu ka xishoonayaa in Xoghayihii hore Eng. Baana uu kala hadlo Arrimaha Xiriirka ugu baahan yahay Zone V Maadaama uu asiga yahay shaqsi Soomaali oo Arrinkaasi kala hadli kara Guddiga Zone V uu ka midka yahay, Mise waxa uu shaqo u qabanaya Xoghayaha Magaca ahaan u jira ee Saciid Farax.

Waxaa dhici karta in Duran Farax uu ka xishoonayo in uu hortago Eng. Baana waayo waxa uu ku fashilmay Qorshihii uu Maleegay ee xilka lagaga qaaday Eng. Baana, iyadoona sidoo kale uu waji gabixii kala kulmay Madaxda FIBA AFRICA, taasi oo ku doonayay in uu Xilka Baana ku wareejiyo Saciid Faarax, balse jawaab loo siiyay in Eng. Baana uu ku yimid Doorasho isla markaana yahay Xubina ka mid FIBA Africa Organ inta laga garayo 2014.

Su’aal kale ayaa la isweydiinayaa taasi oo ah halka ay jaan iyo cirib dhigeen 4-ta Guddoomiye kuxigeen ee Xiriirka Kubada Koleyga kuwaasi oo 3- ka mid ah ay ku nool yihiin qaarada Yurub, gaar ahaan 2 ka mid ah ay ku nool yihiin UK.

Waxa ay kolkii hore ku andacoon jireen in Baana Shaqooyinka uu wado uusan la socon siin, balse xilligaan iyagoo 2 ka mid ah ay joogaan UK, waa maxay sababta Duran Farax uu ula socod siin waayay Howlaha Xiriirka Kubada Koleyga uu faraha la galay, mise xaalada ayaa ah Shalay asigaa na keenee sidee Maanta ula hadalnaa.

Hadaba Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Koleyga ma waxa ay u baahan yihiin Shaqsi la mid ah Eng. Baana oo waqtigiisa, u huraya Hormarinta Isboortiga Soomaaliyeed.?. Ma waxa ay u baahan yihiin Shaqsi Halkii lagu Magacaabay wali iska fadhiya oo howshii loogu baahnaa dad kale ay iska qabanayaan.?. Mise waxa ay u baahan yihiin in Howshoodii shaqo fara gelin qaawan lagu sameeyo ay hadba Madaxda G.O.S sida ay rabaan ka yeeshaan Xiriirka K/Koleyga Soomaaliyeed.

Salah Hassan Omer [Salah Dheere]

s.dheere@hotmail.com