Guuleed oo beeniyay eedeynti Tarsan

C.kariin-Xuseen-GuuleedWasiirka Amniga DFS C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudane Tarsan, taasoo ahayd in wasaarada Mr Guuleed ay lunsatay Gaadiidyo Ambalas ah oo shacabka in loogu adeego loogu talagalay.

Wasiirka amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qeybgalay dood amniga looga hadlayay oo lagu qabtay idaacadda afka dawlada ku hadasha ee Radio Muqdisho ayuu ku cadeeyay in weli ay gacanta hay’adaha amaanka ku jiraan gaadiidka ambalaaska ahaa oo uu sheegay in tiradoodu dhan tahay 7 baabuur.

“Waa jirtaa in gaadiid ambalaas ah oo 7 ah naloo dhiibay xilligii xukuumadii hore ee aan anigu wasiirka arrimaha gudaha ka ahaa, waxaan cadeynayaa inaan heyno weli gaadiidka oo ay ku jiraan gacanta hay’adaha amaanka.” ayuu yiri C/kariin.

Mr Guuleed, ayaa sheegay in sababta gaadiidkaas dadka loogu adeegi waayey maadaama ay awalba deeq ka timid caalamka ahaayeen ayaa wuxuu sheegay inay ka cabsi qabeen in gaadiidkaasi loo adeegsan karo qaraxyo haddii ay galaan gacanta shacabka ama ay ka baxaan gacanta dawlada.

“Baabuurtaan waa bullet proof oo ah kuwo aanay xabaduhu karin, waxaa dhici karta i haddii qaraxyo la soo saaro in aaskariga iridka jooga uusan celin karin taasna ay dhibaato keeni karto.” ayuu yiri wasiirka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here