Guuleed: “Banaadir waa State in la dhiso u baahan”

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed madaxweyne noqdayC/kariin Xuseen Guulleed Madaxweynaha Galmudug ayaa xafladdii furitaanka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabaleeda dhexe waxaa uu ka sheegay in uu mar walbo maqlo iyagoo la leeyahay Hiiraan iyo Shabeelada dhexe waa maamulka ugu dambeeyay federaalka lakin arrintaas aanay sax aheyn.

Guuleed waxaa uu ku booriyay Madaxweynaha iyo dadkii halkaas joogay in la ogaado in dadka Banaadir ay xaq u leeyihiin maamul goboleed isagoo cod dheer ku yiri” Banaadir waa State in La Dhiso U Baahan”.

Mar uu ka hadlayey shirka Kismaayo waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xaqa shacabka Soomaaliyeed oo laga fogaado salbursiga.

Guuleed waxaa uu ku taliyay in la ilaaliyo Somaliland, dadka laga tirade badan yahay, Gabdhaha iyo arrimo kale.

Waxaa uu la yaabay dadka ku taamaya in 18-kii gobol wax lagu saleeyo, dalka nidaam federal ah ayaa ka hano-qaaday midkaas ayaa wax lagu qeybsanayaa ayuu hadalkiis kusoo gabagabeeyay.

2 COMMENTS

  1. shacabka gobolka banaadir iyagaa looga baahan yahay ineey hurdada ka kacaan, maanta soomaaliyo waxey mareysaa ninkaan hadlan oon dantiisa garan in xaalkiisu yahay ceelna uma qodna cidina uma maqna,marka reer muqdisho ama ha afeystaan seefti lagu qali lahaa ama maslaxadooda ha gartaan.
    muqdisho waligeedba waxey aheed dulmane lagu kornoolyahay oo aan la ogeyn abaalkeeda .
    muqdisho waxey waligeed ahaan jirtay meesha kaliya ee soomaali oo dhami ku kulmaan oo ururiso shacabka soomaaliyeed meelay ka imaadaanba taasina waa waajib saaran mar hadey tahay caasimadi wadankeena, laakiin aaway intii ay wanaajisay ma garteen xaqeedi ma marsiiyeen abaalkeedi, waaridku markoow ubadkiisa koriyo ee ow gaarsiiyo waqti ay wax qabsan karaan waxoow helaa ixtiraamka ubadkiisa mana iloobaan wixii owka soo maray
    marka muqdisho waa meeshii shacabkeena soo korisay,dowladkastoo dhalato soo dhaweyso.
    waa meesha canshuurteeda lagu dhishi jiray wadankoo dhan
    waa meeshii marki dowladi dhacday ee la damcay in dowladeeni dib loo dhiso tafta u xaydatay ineey dhibkeeda ilowdo una xirxirato si aan dowlad u helno una bareertay in maalinkasto guryaheeda iyo shacabkeeda laysku qarxiyo iyadoo og ineey tahay hooyadii wadanka laakiin su,aashu waxeey tahay aaway abaalkii iyo sharaftii ay mudneed.
    cabdikariin xuseen waxoow ka dhawaajiyay xaq laga wada aamusan yahay waxaana arkaa inoow yahay nin wadani ah oo fahan san hadii xaqa reer muqdisho lagu tunto ineysan nabad lagu dago la heli karin waayo waa xaq bursi,cabdi kariin waa nin u dhashay gobolka mudug waana nin ku dhashay gobolka hiiraan maantase waxa ka dhawaajiyay waa wadaninimo waa wadani dareensan muqdisho iyo maqaamkeeda
    muqdishana ma iloobikaro qofkastoo biyaheeda cabay ku noolaaday laakiin waa inow yahay wadani xaqa u hiiliya,cabdikariin waxoow ka midyahay inta muqdisho ku nooleed laakiin aan ku dhalan ee dareen san in muqdisho la dulmiyay,su,aashuse waxeey tahay maxaa aamusiyay reer muqdisho?
    muqdisho waxaa laga gooyay labadeedi garbood oo kala ahaay shabeelada hoose oo la raacshay baydhabo iyo shabeelada dhexe oo la raacshay hiiraan oo laysku dhihi jiray EXBANAADIR cidkastaahina ogtahay maantana waa muqdisho xaq malihid ee cidlada ku baaba,.
    waxeey ila tahay in maanta hadalada ka soo yeeraayo madaxda sarsare oo ah maamulkii ugu dambeeyay wadanka oo ah shabeelada dhexe iyo hiiraan ayaa la dhisayaa ineey tahay doqonta usha ku ag dhufo hadeey garan weysana iyada ku dhufo oo lagu fiirinaayo in reer muqdisho aamusaan laguna kor noolaado waligood iyo ineey ka dhiidhiyaan xaqoodana xoog ku doontaan.
    waxaan jecelahay wadankeyga waxaana jeclaan lahaa inoow wadankeenu noqdo dowlad xoog leh oo waliba dowlad dhexe ah oo aan badraal baas lagu xukumin dowladuna noqoto mid cadaalad ku shaqeyso oo shacabkeedu nolon wanaagsan ku noolaado.hadiise la waayay taas oo fadraal baas nala dul dhigay fadraalku waxoow leeyahay waa in wadanka maamulo loo sameeyo iyadoo la fiirinaayo 18 iyo tobonkii gobol ee soomaaliyo ka koobneed marka muqdisho waa gobolka soomaaliyo ugu weyn ayna ku nool yihiin shacabka ugu badan marka soomaaliyeey aaway xaqii reer muqdisho mase arrinku waa waxaan leeyahay anaa leh waxaad leedahayna anaakula leh?

    mahadsanid mudane cabdikariin xuseen,waxaanse sugeynaa masuulada wadanka ugu sareeyo waxeey ka yiraahdaan muqdisho iyo xaqeeda.

  2. Gobolka Banadir & gobolka shabeelaha hoose.. way noqon karaan maamul goboleed buuxa..ayay ku wanaagsanan lahayd in laga dhigo, Sababtoo ah sh. Hoose waxa uu deris la yahay gobolka banadir..

    Dowladda Soomaaliyana waxay ahayd iney so fiican oo sax ah isku waafajiso isqaadashada gobolaadda, si markaasi loo fududeeyo isla noolaashaha shacabka & intii is fahmi karta in hal maamul loo sameeeyo..

    Maahayn in la fiirsho ama la fududeeyo Danaha & siyaasadda dowladdaha deriska ah (itoobiya ) ay ka leeyihiin Soomaaliya. Ee waxa loo baahna in si Soomaalinimo ku jirto shacabkana raali ka yihiin la isku waafajiyo. Intii is fahami karta iskuna dhow xagga luuuqadda..

    Bay & bakool = Koonfur galbeed of Somaliya shacabka soomalida ah ee ku hadla af may maayga ama DADKA MAAY LA ISKU YIRAAH, ay ku midoobaan Maamul goboleedka koonfur galbeed of somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here