Guuleed: Ahlusuna waa awood walaalaheen ah oo naga maqan

Madaxweynaha Galmudug Guuleed
Madaxweynaha Galmudug Guuleed

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa sheegay Ahlu Sunna inay tahay awood ka maqan Galmudug, loona baahan yahay Ahlu Sunna inay fahmaan in Galmudug Ahlu Sunna ay leeyihiin hal cadoow.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Ahlu Sunna inay soo fariistaan miiska wada hadalka oo ay ka hadlaan waxa tabashadooda tahay si tanaasulaad loogu sameeyo.

“Galmudug waxay siyaasadeedu ku qotantaa in wax walbo oo khilaaf ka dhexjira Galmudug dhexdeeda inaan xallino, Ahlu­sunna Waljameeca waxaan ugu baaqayey illaa hadane ugu baaqayaa in wixii ay qabaan ay miiska wada hadallada ku sheegtaan annagane dhankeena aan diyaar u nahay wax walbo oo tanaasul ah, waxana u aragnaa inay yihiin awood walaalaheena ah oo naga maqan cadowageenana aan meel uga soo wada jeedsanno” ayuu yiri Guuleed.

Baaqan ka soo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaanan aheyn kii ugu horeeya ee ka soo yeera, iyadoo Ahlu Sunna si adag uga biyo diidan tahay wada hadal ay la gasho Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug waxa uu sheegaa in marnaba aanay ka daalli doonin dadaallada ay ku doonayaan in wada hadallo kula furaan Ahlu­sunna Waljameeca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here