‘Guul-darada Barca waa musiibo’ – Pique

344298_heroa

Cayaaryahan Gerard Pique ayaa shegay in aad looga guuldaradii kooxdiisa Barcelona  ay kala kulantay kooxda Netherlands ee Ajax habeenkii xaley.

Kooxda Ajax ayaa ku cayaareysay 10-cayaartoy iyagoona ku badiyay 2 iyo 1, waa guul-darii ugu horeysay oo uu la kulmo Gerardo Martino tan iyo markii kooxda uu qabtay.l

Qaybtii hore goolal ka yimid  Thulani Serero iyo Danny Hoesen ayaa u suuragaliytay kooxda Dutch-ka in ay la wareegto maamulka , balse kooxda  Blaugrana ayaa dib u soo ceshatay maamulka cayaarta markii uu gool ku laad  u dhaliyay.

Pique, oo lagu soo billaabay dhinaca dafaaca dhexe ee dambe waxaa ku waxaa ku wehlinayay Javier Mascherano iyo Carles Puyol laakin waxbo ma tarin.

Kooxda Barca’ ayaa la soo afjaray Rikoor ahaa in aan laga badin 20-cayaarood.

“Qaybtii horre cayaara waxaan soo bandhignay cayaar aad u xun, waxaan ku tilmaami karaa guuldaradan musiibo.” sidaas waxaa saxaafadda u sheegay cayaaryahankii hore Manchester United oo ah 26-jir.

Cayaarihii xaley dhacay waxaa ka mid  ah:

Zenit     1 – 1     Atlético Madrid            

Steaua Bucureşti     0 – 0     Schalke 04      

Basel     1 – 0     Chelsea   

Arsenal     2 – 0     Olympique Mars       

Borussia Dortmund     3 – 1     Napoli   

Porto     1 – 1     Austria Wien   

Celtic     0 – 3     Milan   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here