Guud ahaan Soomaaliya oo maanta si isku mid ah looga ciidayo

501Dhammaanba Deegaanada Soomaalida, ayaa waxaa maanta looga ciidayaa si isu midda, ka dib markii ay dadku dhameysteen, isla-markaana ay kaamilyeeleen 30-ka cisho ee Ramadanka.

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha, Puntland, Somaliland, Jabuuti, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Soomaalidu degto, ayaa laga wada ciidayaa.

Magaalooyinka Xeraale, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan oo ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa saakay waxaa laga tukanayaa Salaadda Ciidda, walow 29 maalmood oo keliya laga soomay.

Sheekh Xasan Geerte, Madaxa Garsoorka ee Maamulka Ahlu Sunna, ayaa xalay Radio Galgaduud ka iclaamiyay in Arbacadu tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga.

Dalalka Islaamka, ayaa sidoo kale maanta laga ciidayaa. Bulshada Muslimiinta ee ku nool daafaha dunida, ayaa iyaguna maanta wada ciidaaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here