Gunta Daay Hashiinii Gudhnayd Gallabta Waa Dhaysee:(Maqaal Qalinkii Abdirashiid Dhanaane)‏

Waxaa ii muuqanaya Aabe waayeel ah oo tabar gabay kaas oo ladaala dhacaya sidii uu caruurtiisa oogu raadin lahaa nolal maal meedka, waa xilli diraac ah dhamaanna xooluhuan way gudhan yihin, meel sahay loo doontana malaha oo reer ku waxa uu kujiraa meel bah gooya ah, gabal dhacay iy o waa baryay ubadku way gaajo oo yaan Aabaha oo ahaa nin aad u caruur jecel ayaa maalin walba gocosha ilmeeyaa gacmihisuna way madhan yihiin oo ma awooda In uu caruurtiisa k abasho gaajada.

Geela waxaa kujirta hal iyadu abid keed anan dhalin oo galoof ahaan jirtay galab galbaha kamid aha ayaa waxaa arkay odaygii hashii gudhnayd oo goojinaysa waxa uuna ubadkiisii usheegay in ay u guntadaan sidii aysan hashaasi oogaa fool halaabin madama ay dhaysinayso oo ay goojada dhabarka saartay.

Taas tu lamid aha ayaa waxay kudhac day buslshada soomaalida Ethiopai kuwaas oo muddo dheer ladaa laa dhacayay colaado iy abaaro daba dheeraady kuwaas oo naafeeyay bulshada deegaanka qaar badan oo kamid ahna galaafatay nolasha bulshada rayidka ah iyo kumanaan da’yar u soo koraysay wadanka , kuwaas oo kuleeday colaaadihii ka hol cayay gobalaka Ogadenya/soomaali galbeed.

Gobalka ayaa waxaa uu ahaa gobal dhaxal u helay in ay san ka damin danabyada baaruuda oo jiilba jiil uu hubka udhiibayay kuwaas oo badan kood ku qotontay sidii loogu heli lahaa bulshada kudhaqan gobalka mustaqabal siyaa sadeed iyo aayo katalinta shacabka.

Laga soo billaabo xiliyadii uu jiray guumaysiga ingriiska shacabka gobalka waxay kujireen qax iyo dhibaato taas illa manata wali raad keedii sii muuqdo wallow ay maanta dhamaan sida ay horay u haan jireen gobalkana waxaa kajiray jamahado u dagalama madax banaanidiisa iyo sidii ay dowalad gooni ah oo kamadax banaan Ethiopia oogu samayn lahaayeen.

Jamhadaha ayaa waxay dagaalka lasoo galeen dawladihii ka horay dawlada hada xukunka haysa kuwaas oo anan walligood isku dayin in ay xaalada gobalka xal nabadeed iyo waxaajood ku raadiyaan hassa yeeshee hada waxaa muuqata wadiiqo dahabi ah taas oo ay hada wadaan labada garab ee ku hardamaya gobalaka Ogadenya/soomaali galbeed ee kala ah dowalada Ehtiopia iyo Jamhada ONLF kuwaas oo ayaantan ku wada had layay wadanka Kenya kana soo baxeen qodobo muhiim ah oo la isku halayn karo hadii ay kamidha dhaliyaan labada garab.

Markii ay soo baxaday in ay jiraan wadaa hadalo lagag arin san hayo xaalada gobalka ayaa waxaa rajo wayn gashay dadka shacabka ah ee u dhaxeeya labada qori kuwaas oo aad u soo dhawayay dhamaantood iyada oo ay yihiin kulamadan wadda furkii wada xaajood dhax mari doona ONLF iyo Ehtiopa ayaa ah mid mudan in la ilaa liyo wadiiqo kaste oo lagu xoojinayo sii wadi taanka wada xaajoodka illa laga gun gaadho lagana dha dhamiyo midhaha kasoo go’a wada xaa joodkaas.

Sidaa daraa deed waxaa qassab ah in laga dhowaro dhamaan wixii dhicisin kara ama fashilin kara wada xaa joodka iyada oo muhiimada koo baad la siinayo fursadan qaaliga ah ee hada ay labada garab isku hor fadhiisteen waxaana xusid mudan in ay buslshadu udiyaa sadiso in xal nabadeed lagu gaadho wada hadal oo xabadda iyo dagaalka laga hakado si loo daba qabto bulshada inta hadhay.

Shacabka soomaalida Ethiopia (ogadneya/soomaligalbeed)waxa uu maanta u baahanyahay in loo dhayo dhamaan nabaradii ay u gaystay cooladihii ay ka dhax leen is afagarn waaga siyaa saydeed ee ka ognaa Goblaka iyaga oo taa ka duulayana waa in ay miciyaha iy gows daan beedyada isugu geeyaan in ay gayigooda nabadeeyaan go’aan midaysan qataan kana fogaadaan dhamaan wadooyinka kala tagga iyaga oo dib u fiirinaya casharadii murugada lahaa ee ay kabarteen laxowga iyo dhibaatada ay leedahay colaadu iyo xasi looni darada.

Doorka kali ah ee manata deeqa dadka gobalk waa daganaansho iyo dib u soo labasho iyada la laabayo darimaha qaxootiga iyo daadunka gaajada dugsiyadii aan lahayn iyo aan ku dabaal dagno dagmooyin keeni, kii duur jiray iyo kii dal shi sheeye ku dulmanaa intaan daah furano nabad, xornimo aad u damashaadno durabankii colaada iyo dar xumadii murgadana aan daaqad katuuro.

Difaaca dalkeena diinta na amreeyasa aan ku dayano daris yadeena,daashada dhiigeenuna waa doog noo qarsoone aan dib isu samaxno,agoonti dayooday iyo hab lihii dalan baabay aan dacdarada kasaaro,dugsi quraan iyo diintaan baran lahayn waa inagii ka dibad gollownaye aan eeggaba dareerino.

Daakhato iyo Godey iyo daharow dhanaan ,dugsiyadii jigjigaad iyo nogob daawo aan u dal xiisno,dullucdii awaare degmadii sagageed ,fiiq aan dul istagno,doollo iyo war-dheer iyo diril harama aan dagno ,dariiqyadii afdheer iyo danood iyo dulucdii gaashaamo dayaxo ha inoogu soo baxo.

Nabadii labo diblaha u xidhnayd hormarkii dabranaa aan daboolka kaqaad noon dadkeeni wax taaree waa in aan dagalada iyo dib u dhac kafiir sanaa dullankii si ay naan dabin oogu dhicin waa inan dibno qaniinaa oo aan darajo muhiim ah dooranaa.

Abdirashiid Abdualhi Ahmed (dhanaane)

Email dhanaane22@hotmail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here