Gudoonka Baarlamanka oo gaashaanka u daruuray Hadalkii Ra’iisulwasaare Sharmaake

Gudoonka Baarlamanka oo diiday Codsiga Sharmaake
Gudoonka Baarlamanka oo diiday Codsiga Sharmaake

Gudoonka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa gaashaanka u daruuray codsi uu shalay u jeediyay Ra’iisul wasaare Sharmaake, kaasoo ahaa in mudo 2 Bilood ah lagu kordhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada.

Gudoonka Baarlamanka, ayaa sheegay in codsiga Ra’iisul wasaaraha ay keeni karto cilado Dastuuri ah, waxayna dib ugu celiyeen xukuumada Cumar Cabdirashiid.

Xilibaanada oo isniinta bilaabi doona dood ku saabsan qodobada heshiiska madasha qaran ee qaabka doorashada 2016, ayaa ka biyo diidan qodobo farabadan oo heshiiska kamid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here