Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada Madaxweyne-nimo aysan dhaafi doonin oo aysan ka dib dhici doonin waqtigeeda.
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Madaxweynaha Soomaliya ay dhici doonti wakhtigii loogu talagay ee 10-bishaan aynu ku guda jirno.
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba aysan ka dib mari doonin xiligii loo qorsheeyay inay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.
10-bishaan ayaa loo ballansanyahay inay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Maalinta Isniin oo taariikhdu ay ku beegan tahay 10 September 2012 waa maalinta ay magaalada Muqdisho ka dhici doonto doorashada Madaxweyne-nimo mudo 42 sano ah kadib.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com