Mooshin ka dhan ah Xukuumada RW Saacid oo maanta gudoonka baarlamanka Loo gudbiyay

Xilibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta fadhiga baarlamaanka horgeeyay Mooshin ka dhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid.

Mooshinka ayay Xilibaanadu ku sheegeen in Xukuumada ay fashilantay oo ay guuldareysatay, islamarkaasna baarlamaanka ay weydiisato kalsooni.

Kulanka baarlamaanka oo ahaa kalfadhigiisi 2aad kulankii 23aad, ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, waxaana ajandayaasha maanta la horkeenay ugu cuslaa mooshinka ka dhanka ah Xukuumada RW Saacid, kaasoo shalay xubno katirsan baarlamaanka ay u gudbiyeen gudoomiyaha baarlamaanka Porf. Jawaari.

Xubnaha baarlamaanka waxaa Mooshinka ku war geliyay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamanka, wuxuuna golaha u sheegay in uu soo gaaray Mooshinkaas, isla mar ahaantaasna uu yahay mid buuxiyay shuruudihii qodobka 75aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka, kaasoo tusinaya inuu yahay Mooshinka mid sax ah.

Ilaa iyo hada Xubnaha baarlamaanka looma qeybinin waxa ku qoran Mooshinka iyo qodobadiisa, hase ahaatee gudoonka ayaa Xubnaha baarlamaanka ku war geliyay in maalinke berito loo qeybin doono mooshinkaan ka dhanka ah Xukuumada Ra’iisul was are Saacid.

Gudoonka baarlamaanka weli si rasmi ah uma uusan sheegin tirada rasmiga ah Xilibaanada soo gudbiyay mooshinka,laakiin warar hoose oo aan ka heleyno dad ku dhow baarlamaanka waxay sheegayaan in xilibaano kabadan 80 ay gudbiyeen mooshinka.

Xubno katirsan Golaha wasiirada, ayaa maalmahaan sidoo kale waday dhaq dhaqaaq ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Saacid iyo Xukuumadiisa, waxaana Hoteelada Muqdisho kajiray kulamo gaar gaar ah oo ay wasiirada la lahaayeen qaar katirsan mudanayaasha baarlamaanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland, ayaa horay looga digay in ay jiraan xubno katirsan baarlamaanka oo wada Mooshin kadhan ah Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid, sidoo kale shalay ayay ahayd markii Nabadoon Axmed Diiriye Cali, oo kamid ah Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye uu ka digay Mooshinkaan.

Sidoo kale Ururada Bulshada rayidka oo shalay Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa war ka soo saaray mooshinkan, iyagoo ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka inay joojiyaan qalalaasaha, mooshinka ay wadaan uusan aheyn mid xaq ah.

Aragtidaada ka dhiibo Qoraalkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here