Gudoomiyihii Gudiga Fulinta Ahlu-suna Oo Maanta Muqdisho Ku Geeriyooday

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Guddoomiyihii ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalada Dhexe Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow oo dhawaan xanuun kusoo booday loo keenay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Guddoomiyaha ayaa lagu hayey tan iyo intii Muqdisho la keenay isbitaalka ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho, waxaana jiray qorshe la doonayey in dalka dibada loogu qaado.

Geerida hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa ka tacsiyadeeyey Wasiirka Arrimaha Gudah ee dowlada Federaalka iyo xubno kale oo kamid ah xukuumada.

Doowlada Oo Ka Tacsiyeeysay:

Dowlada Soomaaliya ayaa tacis ku aaddan geerida Sheekh Max’ed yuusuf Xeefow oo daqiiqado ka hor geeriyooday wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa tacsi u diray guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed kadib markii uu maanta geeriyooday gudoomiyihii culuma’udiinka ahlu sunna waljameeca Sheekh Xeefow.

Dowlada Soomaaliya ayaa si weyn isugu hawshay sidii loola tacaali lahaa xaalada Caafimaad ee Sheekh Max’ed yuusuf Xeefow waxaana la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu amray in diyaarad gaar ah Sheekha loogu qaado wadamada dibada si wax looga qabto xaaladiisa caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here