Gudoomiyihii degmada Kaaraan oo xilkaqaadis lagu sameeyay

Wareegto ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka banaadir(Maxamuud Axmed Nuur Tarsan) ayaa waxaa xilka looga qaaday gudoomiyihii maamulka degmada kaaraan Mudane C/laahi Axmed Cali waxaana loo magacaabay gudoomiye cusub kaas oo lagu magacaabo Cali calasow .

Wareegtadan maanta xilka looga xayuubiyay gudoomiyihii degmada kaaraan ayaan lagu faah faahin sababta looga qaaday xilka, hase ahaaatee munaaasab xilka lagu wareejinayay gudoomiyaha cusub ayaa maanta waxaa ay ka dhacday xarunta degmada Kaaraan.

Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka banaadir iyo masuuliyiinta maamulka degmada Kaaran marka laga reebo gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmadasi C/laahi Axmed Cali oo aan isagu goobta soo xaadirin Ayaa warar hoose waxaa ay sheegayaan in uu ku gacan seyray xilka qaadista lagu sameeyay.

Masuuliyiinta maaamulka gobolka banaadirna waxaa ay ku sheegeen xilka qaadista gudoomiyaha in ay kala dan leeyihiin waxa ay ugu yeereen is dhex galka bulshada gogolka banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here