Gudoomiyihi Shibis oo xilka laga qaaday

mGudoomiyihii degmada Shibis ayaa xilka laga qaaday, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab.

Gudoomiye Muungaab, ayaa C/fitaax Yaanyo u magacaabay inuu noqdo gudoomiyaha cusub ee degmada Shibis.

Warar hoose,ayaa sheegaya in Gudoomiye Muungaab uu xilka ka qaadi doono gudoomiyaal kale, waxaana farta ku godantahay Gudoomiyaha degmada Shibis, Muxudiin Xasan Jurus.

Kulan uu dhawaan la qaatay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Muungaan,guddoomiyasha degmooyinka gobolka,waxuu ka hor ballan-qaaday inuusan jiri doonan guddoomiye xilka laga qaado ilaa ay ka muuqato inuusan xilka gudaneyn.

Waxaana hadalka uu ka dhigaya in guddoomiyaha degmada Shibis uu u muqday mid ku haboon in xilka laga qaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee dhawana la magacaabay,waxuu ka badalan yahay guddoomiyaashi hore,waxuuna dal badan inuu awood u yeesho maamulida laamaha amniga ee Muqdisho ka howlgalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here