Gudoomiyihi Maxkamada Hargeysa oo la dhaawacay

Gudoomiyihi Maxkamada Hargeysa C/rashiid Duraan ayey saakay salaadi subax dhaawaceen kooxo hubeysan.

Mas,uulkan oo si weyn loogaga yaqaano Hargeysa waxaa la sheegay in rag watay bistoolado ay rasaas la dhaceen xilli uu kusii jeeday masaajidka wax yar ka hor Salaadi Subax gudaha xaafada New Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nur Caraale ayaa xaqiijiyey dhaawaca abuukaate Duraan, waxa kale oo ay sheegeen in xaaladiisa ay wanaagsantahay oo uu haatan hadli karo.

Lama oga cida ka danbeysa dhaawaca loo geystay dhibanahaasi.

Wixi kusoo kordha dib uga dheeho Midmimo.com