Gudoomiye xaafadeed lagu dilay Baydhabo

Rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay gudoomiyihii xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo.

Marxuumka oo madaxa sadex xabadood loogaga dhiftay ayaa lagu toogtay meel aanan ka fogeyn xafiiskiisa xilli ay aad ugu dhawaayeen ilaaladiisa, iyadoo ay baxsadeen kooxihi falkaasi ka danbeeyey.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen laba nin oo bistoolado ku hubeysan oo dilaya gudoomiyaha shalay gelinki danbe, waxa kale oo ay sheegeen in ay goobta soo gaareen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Xaafada Bardaale ayaa xalay aheyd mid kacsan, waxaana ciidamadu kusoo rogeen bandoow soo gaaray saakay aroori.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku haya dowlada KMGS, waxaana tan iyo marki ay Shabaab ka baxeen ka dhacay falal isugu jira dilal iyo qaraxyo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.