Gudoomiye Waaxeed xalay lagu dilay Baydhabo

Gudoomiyaha mid kamid ah Xaafadaha baydhabo ayaa xalay geeriyooday markii bam gacmeed lagu tuuray gurigiisa, laba caruur ah uu dhalay ayaa iyagana ku dhaawacmay weerarkaas.

Bamka oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa sida ay goob joogayaal warbaahinta u xaqiijiyeen kooxo hubeysan ku weerareen gudoomiyaha xaafada “Isha” ee magaalada Baydhabo, gudoomiyaha geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Xuseen Aadan.

Kooxaha qaraxa ku dilay gudoomiyaha Xaafada Isha ayaa ka baxsaday goobta inkastoo Ciidamada doowlada iyo kuwa madaniga Xaafadaas ay qaraxa kadib howlgalo ka sameeyeen Xaafada.

Kooxda hubaysan ayaa la sheegay iney gudaha u galeen aqalka gudoomiyihii waaxda Isha-baydhabo ee magaalada Baydhabo iyagoo rasaas badan ku furay guriga gudoomiye waaxeedka waxaana la sheegay in dagaal uu dhexmaray ilaalada gudoomiyaha waaxda ee la weeraray iyo raggii weerarka kusoo qaaday.

Kooxda hubeysan ayaa waxaa u suurta gashay iney qaarajiyaan gudoomiyihii waaxda Isha-baydhabo ee magaalada Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Adaadn Fargeeti oo si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo, Mahad C/raxmaan oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowlada ee magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyey geerida Aadan Fargeeti wuxuuna tilmaamay iney baaritaano wadaan ay ku baadi doonayaan kooxihii ka danbeeyey dilka gudoomiyaha waaxda Isha-baydhabo.

Dhinaca kale shalay galinkii danbe ayaa tuulada Oowdiinle ee gobolka Baay ayaa waxaa dagaal ku dhexmaray Ciidamada doowlada iyo kuwa Al-shabaab , gudoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Cali Isxaaq Arcas ayaa xaqiijiyay dagaalka dhacay gelinkii danbe ee shalay, isagoona intaas ku daray in dagaalka ay ku dileen rag katirsan Al-shabaab, kuwo kalena ay nolosha kusoo qabteen .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here