Gudoomiye Sharif Xasan oo Baydhabo kula kulmay saraakiil Itoobiyaan ah

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shalay gaaray magaalada baydhabo ayaa halkaasi kulamo kula qaatay saraakiil Itoobiyaan ah iyo qaar ka mid ah odayaasha gobolka Bay.

Wafdiga Gudoomiyaha baarlamaanka oo ay wehliyeen taliyaha ciidamada booliska, xildhibaano iyo saraakiil ayaa qorshahooda yahay sidii ammaanka loo xoojin lahaa.

Shariif Xasan ayaa ka qeyb galay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo oo looga hadlayay amaanka, isagoo ku baaqay in wax laga qabto falalka amni daro ee ka dhacaya magaalada.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay sugi doonaan ammaanka magaalada iyo deegaanada kale, iyagoo tilmaamay in wixii hada ka dambeeyay ay gebi ahaan deegaanada gobolada Bay iyo Bakool ka saari doonaan Shabaab.

Dhinaca kale Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kulan la qaatay xildhibaanada, saraakiisha maamulka gobolka Bay, isagoo kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha maamulka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu wado qorshayaal lagu magacaabayo maamul goboleed uu yeesho Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo Shariifka dadaalkaas uu waday.

Shariif Xasan ayaa saddex jeer tagay magaalada Baydhabo, kadib markii bishii Febraayo laga saaray Shabaab, iyadoo shariifka qorshayaasha uu damacsanaa ay qeyb ka aheyd sidii maamul goboleed looga dhisi lahaa Bay iyo Bakool.

1 COMMENT

  1. Asc mukulaal mehey mac ku arakto ayeey ku dhinitaa shariif xasan ilaah kabaq dadka dhiigiisa waad ka dharaktay shaqo kale raadso ilaah raali kama ahan in masaakiinta dhiigooda aad marba wadan kagado sida itopia amarika waxaas kaleexo waa doqonimo

Comments are closed.