Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ka badbaaday isku day dil

Lix ruux ayaa ku geeriyootay qarax lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe xilli uu marayey isgoyska Ex-koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho shalay.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay aheyd miino lagu aasay wadada dhinaceeda gaar ahaan agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana baabuurka ay ka haleeshay qeybaha danbe.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Daa’uud Xaashi Ciiro ayaa sheegay in qaraxa ay saddex askari uga geeriyootay, isla markaana uu ka badbaaday gudoomiye kuxigeenka.

Gudoomiye kuxigeenka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in isaga aanu wax qasaare soo gaarin, isla markaana qaraxa ay ku dhinteen askar ka tirsan dowladda oo isaga la saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxa ay la beegsadeen gaari dagaal oo ku sii jeeday degmada Balcad, isla markaana ay ku dileen ilaa 14-askari.

Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa ee qasaare fara badan sababa oo ka dhaca degmada Huriwaa, waxaana horay u jiray qaraxyo lala beegsanayay ciidamada dowladda iyo Amisom.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here