Gudoomiyahi Maxakamada Sare ee Galmudug oo is casilay

Gudoomiyaha Maxakamda Sare ee mamaul goboleedka Galmudug ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu is casilay.

Shir jaraa’is oo uu ku qabtay dhanka Koonfureed ee Gaalkacyo oo uu ka arrimiyo maamulka Galmudug ayuu Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf ku sheegay inuu xilka kaga tagay u hogaansami la,aanta xaga sharciga ee madaxda Galmudug.

Sheekh Axmed ayaanan soo soo hadal qaadin magaca cida uu ka shaqeyn kari waayey, hase yeeshee waxa uu muujiyey in jiro culeys dhanka siyaasada ah oo ku qotoma qilaafka madaxda maamulka Galmudug.

“Waxaan xilka uga tagayaa kadib marki lagu dhaqmi waayey sharciga Islaamka iyo kan caalamiga labadaba,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa isna xilki ka dagay ku xigeenkiisa Macalin Adan Jimcaale oo sheegay in uu qaatay go,aan ka mid ah kan gudoomiye Sheekh Axmed Sheekh Yusuf.

Maamulka Galmudug ayaa waxa ka jiray qilaaf dhexdooda ah oo ku qotoma awooda xaga maamulka, kadib marki ay baarlamaanka xilki ka qaaday sanadki hore madaxweyne Caalin, halka Mr Caalin isna uu kala diray baarlamaanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.