Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysa Cali Waraabe iyo wafdiga madaxweynaha oo ku kulmay Birmngham

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Ingiriiska ayaa wuxuu caawa la hadlay Soomaalida ku nool magaalada Birmingham oo isugu yimid in ay dhegeystaan khudbadda madaxweynaha Soomaaliya.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad aad u badan oo ka kala yimid magaalooyinka kala duwan ee UK, waxayna dadku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin Dowladda hadda u dhisan Soomaaliya, taasi oo aan ahayn KMG, isla markaana dalalka caalamka ay billaabeen in ay ula macaamilaan si ka duwan siyaabihii loola macaamili jiray dowladihii KMG ahaa ee Soomaaliya soo maray.

waxaa munaasabadda kaddib xaflad casho sharaf ah isku arkay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Fiqi iyo  Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe.Klankooda oo ahaa mid cashada dhexdeeda ka dhashay oo aan horay loo sii qorsheynin ayaan si rasmi ah loo sheegi  karin waxyaabihii ay iskula soo qaadeen.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogen waxyaabihii ay kawada hadleen hadana tani waxay muujinee isku soo dhawaanshaha madaxda Somaliland iyo doowlada Soomaaliya.

Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday 1991-kii ineey ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa hadana sanadihii ugu danbeeyay waxaa jiray dhowr shir oo ay isugu imaadeen madaxda doowlada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana xusid mudan in kulankii ugu danbeeyay ee kadhacay Stanbul ay kasoo baxeen qodobo ilaa dhowr ah oo kala saxiixdeen labada dhinac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here