Kooxo hubeysan oo toogtay Gudoomiyaha Maxkamada Wadajir.

Kooxo hubeysan ayaa galabta gabal dhici ku dhaawacay gudoomiyaha degmada Wadajir ee dowlada KMG Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dad ku hubeesnaa bistoolado ay rasaas ooda uga qaadeen Macalin Jeyte waxyar kadib makri uu kasoo baxay xafiiskiisa oo ku yaala xaafada Suuqa Weyn.

Ciidamada amaanka oo markiiba goobta soo gaaray ayaa dhaawaca gudoomiyaha u qaaday isbitaalka Madiina, walina lama oga waxa ay ku sugantahay xaaladiisa.

Howlgalo ayaa ka socda caawa degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Suuqa Weyn.

Waa todobaadki labaad oo degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Suuqa Weyn kooxo hubeysan ku dilaan ama ku dhaawacaan shaqsiyaad magac ku leh degmada.

Todobaadki hore ayaa waxaa xaafada Suuqa Weyn lagu dilay agaasimihi hore ee Radio Somaliweyn Abuukar Kadaf.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.