Gudoomiyaha KMG ee baarlamanka cusub oo ku baaqay in lasoo dhameystiro xubnaha dhiman

Generaal Musse Xasan oo ah gudoomiyaha KMG baarlamanka cusub ee soomaaliya ayaa gudiga farsamada kadalbaday ineey si degdeg ah usoo dhameystiraan xubnaha harsan,sidookale waxa uu odoyaasha qabaa’ilka iyo gudiga farsmada ugu baaqay ineey xaliyaan qilaafka udhaxeeya.

Generaalka ayaa sheegay in baarlamanka ay sugeyso howl adag lagana doonayo ineey maalmaha soo aadan doortaan gudoomiyaha Baarlamanka iyo madaxweynaha,sidaa darteed waxa uu gudiga farsamada kacodsaday ineey soo dadajiyaan dhameystirka xubnaha harsan.

Hadalka gudoomiyaha KMG yaa kuso aadaya xili ay shalay baarlamanka cusub doorteen gudi kakooban 15 xubnood kuwaasoo fududeyn doona howlaha doorashada gudoomiyaha baarlamanka iyo tan madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here