Gudoomiyaha Khaatumo ee Minnisota oo la ogaaday inuu si hoose ula shaqeeyo S/land

xanbuusiGudoomihii khaatumo state ee Minnesota abdirashiid xanbuuse oo  fashilmay ka Dib markii la ogaaday inuu hoos Kala shaqeeyo maamulka somaliland isagoo xubin ka ah xisbiga wadani,

Gudoomiyaha ayaa waxaa sawir lagu xaday isagoo ka qayb galay xaflad ay lahaayeen xisbiga wadani taasoo ka dhacasay hoteel ku yaala magaalada Minneapolis xafladaas oo ahayd mid lagu casuumay dad khaas ah hase ahaatee dhalinyaro u dhalatay

Maamulka khaatumo ayaa dabagal dheer ku sameeyey gudoomiyaha ka dibna sawirkaan oo si qarsoodi ah looga qaaday gudoomiyaha banaanka keenay taasoo keentay in dadka reer khaatumo ee ku nool Minnesota inay ka hor yimaadaan gudoomiyaha iyadoo awal hore gudoomiyaha lagu eedeeyey inuu dhaqaalihii ay uruuriyeen dadka reer khaatumo ee Minnesota inuu si khaldan u isticimaalay iyadoo uu gudoomiyuhu yahay nin balwad leh

Si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha ayaa isagu ka dhashay qoyska leh hotel xamdi ee magaalada laascaanod hotelkaas oo ah hotelka ay ku soo daganaa madaxda somaliland ee timaada magaalada laascaanod waxaana jira Dano ganacsi oo ka dhaxeeya qoyska gudoomiyaha iyo maamulka somaliland waana taas tan keentay in Mr xanbuuse hoos Kala shaqeeyo maamulka somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here