Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Oo Xilka Wareejiyey

C9A21D9B-2120-4799-B122-3A0DD3E2532D_w987_r1_sGudoomiyaha Jaamaca Muqdisho, Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar ayaa shalay iska wareejiyey xilkaasi, kadib muddo 19 sana ah oo uu maamulayey jaamacada.

Jaamacada Muqdisho oo la aas aasay sanadki 1997-ki ayaa waxaa ka qalinjabiyey arday ka badan 20 kun, waxaana daraasado badan oo caalami ah ay ku qiimeeyeen in jaamacaddu ay ka mid tahay kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Africa.

Xaflad shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayuu Prof. Cali Sheekh Axmed uu xilka ku wareejiyey gudoomiyaha cusub ee Jaamacada Muqdisho, Dr. Ibrahim Mohamed Mursal (Ibrahim Dheere).

Hadaba wariyaha VOA-da Nur Hassan Bukhaari oo jooga magaalada Washington ayaa qadka telefoonka Muqdisho ku wareystay Prof. Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo uu marka hore weydiiyey sababaha keenay inuu ka dago xilka guoomiyaha jaamacada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here