Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Talyaaniga oo isu soo taa xilka madaxweynaha dalka+ Sawiro

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed  ee dalka Talyaaniga Dr. Cusman Maxamed Gacal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya doorashooyinka bisha August ee sanadkaan.

Munaasabad ka dhacday magaalada Firene ee dalka Talyaaniga 23/06/2012 Sabtidi aanu soo dhaafnay ayuu kaga hadlay wax qabadkiisa iyo waxa uu haatan damacsanyahay inuu u qabto umada hadii la doorto.

Qudbad uu ka jeediyey goobta oo ay ku sugnaayeen boqolaal Soomaali ah oo isugu jirtay siyaasiyiin, aqoonyahano, culuma,udiin, dhalinyaro iyo haween iyo sidoo kale dad ajnabi ah ayuu ku sheegay in uu dalka gaar siin doono hurmar xaga dhaqaalaha ah.

Wuxuu sheegay inuu wax weyn ka qaban doono xaga amaan, dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo wanaajinta xiriirka diblamaasiyadeed ee dalalka deriska ah, kuwa gobolka, qaarada Africa iyo dhamaan dalalka caalamka.

Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay wakiilo ka kala socday maamulada Puntland, Gamudug, Khatumo iyo marti sharaf kale, waxaana dadki ka hadlay ay ku amaaneen murashaxaan hufnaan, daacadnimo iyo nin ay ku weyntahay Soomaalida meel walba oo ay joogto.

Dr. Cusman Maxamed Hacal ayaa mudo dheer ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Dalka Talyaaniga oo uu qabtay xilkaasi ka hor inti aysan burburin dowladi hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Mudadi uu ahaa wuxuu caawiyey in ka badan 300,000 oo Soomaali ah oo isugu jiray qoysas, dad waaweyn, dhalinyaro iyo caruur kuwaasi oo intooda badan u talaabay dalalka kale ee Yurub.

Mas,uuliyiinti ka hadashay ee sida aadka ahu taqaanay Dr. Cusman ayaa ku sifeeyey inuu yahay nin aanan weligii kala saarin shacabka soomaaliyeed isaga oo ah shaqsi aanan awoon qaraabeysi iyo qabyaalad oo ay caanka ku tahay Soomaalida.
Waxa kale oo ay sheegeen inuu u soo dagaalamay raadinta xuquuqda mujaajiriinta Soomaaliyeed kuwaasi oo uu wax badan ka saaciday sidi ay u heli lahaayeen sharciga dal-ku joogga (Permesso Soggiorno), iyo in uu uraadiyo wax barasho xirfadeed si ay ugu helaan shaqooyin, hilitaanka hooy, caafimaadka iyo wixi la mid ah.

Doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay dhici doontaa 20-ka August ee sanadkaan, waxaana xilkaasi haatan isu soo sharaxday in ka badan 10 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha xiligaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.