Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe oo ka hadlay weerarki kolonyada madaxweynaha

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlada KMG Soomaaliya, Cabdi Jiinoow Calasow ayaa ka warbixiyey weerar galabta ay koox dabley ah ku qaaday kolonyo uu la socday madaxweyne Sharif.

Wareysi uu siiyey VOA ayuu Cabdi Jiinoow oo ka mid ahaa dadki la socday kolonyada ku sheegay inuu ahaa weerar fulaynimo oo kooxo kusoo qaadeen mar marayeen halka loo yaqaano Hareeri Caadle oo u dhaw degmada Balcad xilli ay kusoo jeedeen magaalada Muqdisho.

“Weerarkaasi cid wax ku noqotay ma jirto, waliba labadi baabuur ee ugu danbeysay marki ay soo gudbeen ayey rasaas ku soo tuureen intaas kadibna ciidamadi ayaa ku baxay, weerarkaas waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Hareeri Caadle,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa maanta lasoo hadlay waxgaradka degmada Balcad kadib marki ay todobaadki hore la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.