Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe oo maanta ka qudbeeyey Ceelmacaan

Kadib marki ay maanta ciidamada AMISOM kuwa Dowlada ay la wareegeen deegaanada Cisileey iyo Ceelmacaan ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa galabta halkaasi gaaray barasaabka gobolka Cabdi Jiinow Calasow.

Sida uu saxaafada u xaqiijiyey afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, Daa,uud Xaaji Ciiro, Mr Jiinow ayaa booqday Dakadi Ceelmacaan halkaas oo ay ugu danbeysay mudo sanada ah.

Hadal uu halkaasi ka jeediyey ayuu ku sheegay in ay maalmaha soo aadan la wareegi doonaan inta dhiman ee gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Jowhar.

Daa,uud Ciiro ayaa sheegay in duulaan qorsheysan oo ay ciidamada qaadeen ay ku qabsadeen deegaanadaasi oo ay horay u joogeen Xarakada Al Shabaab.

“Sida qorrshaheenu ahaa, ciidamada AMISOM iyo ciidamadeena ayaa suura geliyey in ay qabtaan deegaanada xeebta sida Cisileey iyo Ceelmacaan, waxaa halkaasi tagay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.” ayuu yiri.

Ciidamada Dowlada ayaa ka jooga gobolka Shabeelaha Dhexe degmada Balcad oo kaliyah, dhamaan deegaanada kale waxaa maamula Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here