Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan oo Dhaliilay Madaxda Cusub ee Dawlada Federaalka Somaliya (Akhriso Warbixin)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku dhaliilay madaxda Somaliya islamarkaana ka hadlay Amaanka magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay madaxda dawlada cusub ee Somalia in amaa xumo magaalada muqdisho awgeed markii mas’uuliyiin ajnabi markii ay yimaadaan kulan loogu yeero garoonka diyaaradaha muqdisho.

“Xukuumadu Sanadka ugu horeeysa haday goolkaas dhaliso way guuleysatay,laakiin intay NGO-yo iyo ururo ajnabi ah leeyihiin madaxdiina ha yimaadaan garoonka amni xumo magaalada laga sheegayo waa uur ku taallo iyo liiditaan ayuu yiri Tarsan”.

Duqa Magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in qaranimada shacabka Somaliya mugdi galineysa hadii loo dhago nuglaado amaan xumada muqdisho ka jirta oo madaxda ajnabiga sheegaan inaysa gudaha magaalada soogeli Karin taana madaxdeena ku dhaliilay.

“In la xoojiyo hay’adaha dawlada ee amniga,in la tayeeyo oo wixii ay ubaahan yihiin ciidamadeena,suuragal maahan in askarigii difaaci lahaa shacabka iyo dalkaba uu qoriga ugu jiro afar xabadood, waa wax laga yaq yaqsado ayuu yiri arintaasi Tarsan”.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ayaa madaxda dawlada ka codsaday inay ku dadaalaan wax ka qabashada arimaha amaanka magaalada Muqdisho si ay ugu soo dhiiradaan madaxda Ajnabiga ee xamar imaanaya.

Duqa magaalada Muqdisho Tarsan ayaa ciidamada dawlada ugu baaqay inay wax ka qabtaan amaan xumida muqdisho oo dadka somaliyeed iyo kuwa nagu soo booqanaya caasimadaba gacanta ka taageen una adeegaan shacabka somaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here