Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wafdi  uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal  shaqo oo qaatay muddo lix cisho ah oo ay ku joogeen dalka Uganda.

Safarka guddoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho mudane Maxamuud Axmed  Nuur Tarsan uu kutagay caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa waxaa  ku wehliyay qaar ka mida ku xigeenadiisa, 8-ka mida guddoomiye yaasha  degmooyinka gobolka iyo agaasime yaal katirsan maamulka gobolka
Banaadir.

Waxaana muddadii ay joogeen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda  ay ka qeyb galeen shir ay soo qaban qaabisay hayadda USAID, kaasoo  looga hadlaayay mashaariic ku saabsan horumarinta degmooyinka gobolka
Banaadir.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay socdaal kutageen 8-ka mida guddoomiye  yaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo ay wehliyeen, taliye yaasha  Boliiska iyo Nabad sugidda degmo kasta, magaalada Kampala , waxaana  kulkaas looga hadlayay mashaariic horumarineed oo dhawaan hayadda  USAID lagu wado iney ka fuliso gobolka Banaadir.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa inta uu joogay Kampala waxa uu  kulamo la qaatay masuuliyiinta safaaradda Soomaalia ee Uganda, midowga ardada Soomaaliyeed ee wax ka barata Jamacadaha dalka Uganda, duqa  magaalada Kampala, iyo saraakiil kale.

Waxa uuna kala hadlay dhamaan qeybaha uu la kulmay xaaladda magaalada Muqdisho iyo horumarada dowladda ay ka gaartay dhan walba.

Waa marki ugu horeysay ee duqa Muqdisho uu socdaal shaqo ku tago dalka  Uganda caasimaddiisa Kampala, tan iyo siduu xafiisa duqa Muqdisho ahna  guddoomiyaha gobolka Banaadir u qabtay.

Mohamed Yusuf

Xafiiska saxaafada ee Duqa Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.