Gudoomiyaha FIFA oo u tacsiyeeyey bahda Isboortiga Soomaaliyeed

Gudoomiyaha xiriirka kubada cakta aduunka ee loo soo gaabiyo FIFA Joseph S. Blatter ayaa uga tacsiyeyey umada Soomaaliyeed geeridi ku timid gudoomiyaha xiriirka kubada cakta iyo gudoomiyaha gudiga Olombikada.

Saciid Mugaanbe gudoomiyaha xiriirka kubada cakta Somalia iyo gudoomiyaha olombikada Adan Yabarow Wish ayaa ka mid ahaa 7 ruux oo maanta ku dhimatay qarax is miidaamin ahaa oo ka dhacay Tiyaatarka Magaalada Muqdisho.

“Aad ayaan u naxay marki aan maqlay weerarkaasi maanta dhacay ee galaaftay nolosha dad dhowr ah oo uu ku jiray gudoomiyaha xiriirka kubada cakta Soomaaliya Said Mohamed Nur iyo Gudoomiyaha Olombikada Somalia Aden Yabarow Wiish”. ayuu yiri Blatter.

Warkaan oo lagu shaaciyey boga ay Fifa ku leedahay internetka ee http://www.fifa.com  ayuu Mr Blatter ku sheegay inuu si wanaagsan u garanayey labada mas,uul ee maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Waan aqaanay labaduba shaqsi ahaan, waxa aan ka sheegi karana waxa weeye in ay ahaayeen dad wanaagsan shaqo fiicanna ka qabtay sidi ay u horu marin lahaayeen isboortiga iyo kubada cakta dalkooda, runtii aad ayaa loo tabi doonaa,” ayuu intaasi sii raaciyey.

Ugu danbeyntii Blttare waxa uu uga tacsiyeeyey dhamaan bahda isboortiga caalamka, bahda isbooriga Soomaaliyeed iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed geeridi ku timid labadaasi mas,uul iyo dadki kale ee Soomaaliyeed ee maanta ku dhintay qaraxi ka dhacay Muqdisho.

Qaraxaasi oo ay fulisay gabar yar ayaa waxaa sheegtay mas,uuliyadiisa ururka Al Shabaab.

Mas,uuliyiinta Isboortiga Soomaaliya  Saciid Mugaanbe iyo Adan Yabarow Wiish galabta ayaa lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen boqolaal ruux.