Gudoomiyaha Degmada Shangaani oo Xilka laga Qaaday iyo Gudoomiye Cusub uu Maa,ulka Gobola u Doortay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyaha degmada Shangaani ee gobola Banaadir.

Munaasabadan ayaa waxaa xilka ku kala wareegayey Guddoomihii Hore ee degmada Shangaani iyo Guddoomiyaha Haatan Cusub ee Lagu Magacaabo Cali Cumar Abuukar.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socota Maamulka Gobbolka Banaadir waxaana halkaasi ka hadlay madax ka tirsan gobbolka.

Digreeto ka soo baxday Maamulka Gobbolka Banaadir ayaa goobta Xaflad ka aqriyey Afhayeenka gobbolka Banaadir Maxamed Yuusuf.

Maxamed Yuusuf Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa digreetadaasi ku sheegay in xilka sida rasmi ah looga qaaday guddoomiyaha degmada Shangaani  Ibraahim Maxamed Muqtaar Bababaay iyadoona lagu wareejinayey Guddoomiye Cusub oo lagu magacaabo Cali Cumar Abuukar.

Cali Cumar Abuukar Guddoomiyaha cusub ee Shangaani oo hadlay ayaa sheegay in wax weyn uu ka badali doono degmada Shangaani isagoona xusay in wax weyn uu ka qaban doono ammaanka iyo dib u dhiska degmadaasi.

” Maadaama Ley doortay gudoomiya deg.Shangaani wax weyn aan ka badali doonaa magaalada”

Sikastaba maamulka gobolka banaadir ayaa horaantii bisha sidoo kale xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here