Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo wareysigi ugu horeeyey siiyey warbaahinta (Dhageyso)

Ninka la filayo in dhawaan si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu yahay gudoomiyaha gobolka Shabeelah Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa marki ugu horeysay ka hadlay himilooyinkiisa ku aadan dib u xoreynta gobolkaasi.

Eng. Cabdi Jiinoow Calasoow oo ah nin kasoo jeedo Shabeelaha Dhexe ayaa hada gacanta ku heysto warqadi uu madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ugu magaacabay xilkaasi balse aanan wali lagu dhawaaqin.

Wareysi uu siiyey galabta idaacada ku hadasho codka dowlada ee Radio Muqdisho ayuu Cabd Jiinoow ku sheegay in uu balan qaadayo in gobolka uu mudo 30 cisho ah uga xoreyn doono Al Shabaab.

Isaga oo muujinayey sida uu isugu kalsoonyahay ayuu sheegay in uu kaashan doono aqoontiisa iyo waaya aragnimadiisa ayuu sheegay in uu gobolka ku baahin doono nidaamka dowlada KMG Soomaaliya, isla markaana uu sida ugu shaqsaha badan u sameyn doono dhamaan hey’adaha kala duwan ee ciidamada.

Dhageyso Wareysiga Eng. Cabdi Jiinoow Calasoow

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/cabdijinow.mp3″]

Cabdi Jiinoow ayaa si weyn ugu cambaareeyey xarakada Al Shabaab in ay cuuryaamiyeen shacabka ku nool gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka hor istaageen in la gaar siiyo kaalmooyinka bani aadanimo.

Wuxuu sheegay in gobolada ay ka taliyaan Al Shabaab la geeyey gargaar bani,aadannimo si hoose iyo si dadban ama si muuqato balse Shabeelaha Dhexe loo diiday in la geeyo xitaa hal loor.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in bilooyinka koowaad ee sanadkaan cusub ay qaban doonto guud ahaan gobolada ay maamusho Al Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa hada waxaa ka taliya Xarakada Al Shabaab oo heysta mudo ku dhawaad sadex sana ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.