Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka oo beesha caalamka ugu baaqay in ay la shaqeyso

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka KMG Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay garab istaagto baarlamaanka wax yar kadib marki maqribnimadaan loo magacaabay xilkaasi.

Madoobe Nuunoow ayaa qudbad uu jeediyey ugu mahad celiyey xildhibaanadi doortay oo uu sheegay in ay jid dheer usoo mareen sidi ay u dooran lahaayeen hogaan cusub, waxaana uu codsaday in halkaasi lagu dhameeyo qilaafki mudadas oo jiitamayey ee baarlamaanka.

Gudoomiyaha cusub wuxuu sheegay in maalinta birito ah ay sagootin doonaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo dalka dibadiisa u aadi doono siminaar, sidoo kalana ay dib kasoo sheegi doonaan xiliga uu dhici doono shirka ugu soo horeeyo ee baarlamaanka.

Madoobe Nuunoow Maxamed oo kasoo jeedo gobolka Bay ayaa booska kala wareegay gudoomiyihi hore ee baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wali aaminsan inuu yahay gudoomiyaha saxda ah kadib marki uu sharci daro ku tilmaamay xil ka qaadisti ay ku sameeyeen xildhibaanada 13-ki bishi hore.

Kulanki maanta oo soo bilowday barqanimadi maanta ayaa waxaa soo xaadirtay ilaa iyo 287 mudane, ka hor inta aysan doorashada galin waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhaxeeyey xildhibaanada kaasi oo sababay in ay dhaawacmaan ilaa iyo 7 mudane.

Doorashada oo ay ku tartamayeen shan murashax ayaa wareegi koowaad kusoo gaba gaboobay Madoobe Nuunoow oo ku hogaaminayey130 cod marki danbe wareegi labaad si nadiif ah ayuu u helay codadaka baarlamaanka marki ay u wada tanasuleen murashaxiinti la tartameysay.

Wareegi labaad oo codadka la tiriyey waxaa sax noqday 258 cod, waxaa halowday 29 cod, sidaasi daraadeedna Mr Nuunooo wuxuu wada helay wareegi labaad  inti u codeysay iyo dhamaan codadki la tiriyey wareegi labaad oo ahaa 258 cod sidaasi ayuuna ku noqday gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka.

Marki ay soo dhamaatay munaasabadi lagu doortay ayaa waxaa goobta ka kaxeeyey gudoomiyaha cusub ciidamada AMISOM oo saaray baabuurta qafilan ee lagu madaxda dowlada.

Su,aasha taagani ayaa waxay tahay, muxuu ka yeeli doonaa go,aankaan la yaabka leh ee ay qaateen baarlamaanka gudoomiyihi hore oo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo wali rumeysan inuu yahay afhayeenka, Madaxweyne Shariifna sidee uga hadli doonaa?.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.