Gudoomiyaha baarlamanka Libya oo ka badbaday isku day dil

Afhayeen uhadlay baarlamanka dalka Libya ayaa waxa uu sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka “Maxamed Makhrif” uu ka badbaaday isku day dil mar uu ku sugna Saxaraha Koofureed ee Libya.

Maxamed Makhrif, ayaa mar uu ku sugnaa magaalada “Sabha” oo 800km ujirta Caasimada dalkas Tripoli ay rasaas kusoo fureen kooxo aan lagaran waxa ay ahaayeen.

Rasmi Barwiin, oo ah afhayeenka gudoomiyaha Baarlamanka Libya, waxa uu sheegay in wax dhaawac ama dhibaato ah aysan soo gaarin gudoomiyaha, balse sadex kamid ah ilaaladiisa ay rasaasta haleeshay.

Maxamed Makhrif, ayaa magaalada Sabha u joogay si uu usoo xaliyo dhibaatooyin baryahaanba halkas ka taagnaa una dhaxeeyay beelo wada daga halkaas.

Gudoomiyaha Baarlamanka Libya, ayaa TV-ga dalkas eek u hadla afka doowlada uga waramay shirqoolka lagu qaarijin rabay: “waxaan dagnay Hotel ku yaal magaalada Sabha, waxay ahayd 8:00 oo subaxnimo, waxan maqalnay qaraxyo iyo Rasaas xoogan oo kusoo dhaceeysa Hotelka, is rasaaseenta waxay socotay mudo dhan 3 Saacadood” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Libya.

Magaalada Sabha iyo magaalooyin kaloo dhaca Saxaraha Koofureed ee dalkaas ayaa tan iyo markii 2011 kacdoonkii xilka looga tuuray Qadafi ka sheeganeysay dagaalo u dhaxeeya qabaa’il wada daga halkaas.

Koofurta dalka Libya ayaa waxaa haysata Mushkilad amni xumo oo aad udaran, taasoo kadhalatay tabar darada doowlada halkas kajirta, iyo dhinaca xuduudka oo iska furan islamarkaasna ay aad usahlantahay helitaanka hubka.

Doowlada Libya ayaa ilaa iyo hadda halgan adag kulajirta sidii ay u xakamayn lahayd kooxo maleeshiyaad ah kuwaasoo kasbaday awood farabadan xiligii kacdoonka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here