Gudoomiyaha baarlamaanka oo shaaciyey waqtiga la caleema saarayo madaxweynaha cusub

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxmaed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in 16-ka bishaan ay noqon doonto maalinta ay xilalka ku kala wareegi doonaa madaxweynihi hore iyo madaxweynaha cusub.

Kulan albaabada u xirnaa oo ay Muqdisho ku yeesheen gudoomiyaha baarlamaanka iyo safiirka Turkiga u joogo Soomaaliya Kemaludin ayey kaga hadleen is badalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in maalinta Axada ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka September la qaban doono xaflada caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan ka wada hadalnay arimo ku saabsan baarlamaanka, amashaariicda dib u dhiska iyo kuwa horumarinta ay ka wado dalka, waxaa kale oo aan ka hadalnay in mudo gaaban gudaheed laga arko dalka isbadal fiican, waxaan kale oo aan si rasmi ah idinkugu sheegayaa in madaxweynaha cusub iyo madaxweynihi hore ay go,aansadeen in maalinta caleema saarka rasmiga ah uu noqdo Axada soo aadan oo ah 16-ka bishaan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay kasoo shaqeyn doonaan laba gudi oo ay soo kala magacaabeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihi hore kuwaasi oo isku soo daba radi doono munaasabada.

Dhanka kale safiirka Turkiga ee Soomaaliya Ambashador Kamaaludin ayaa sheegay in bisha Octobar uu imaan doono Soomaaliya gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga.

“Waan ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed is badalkaan ay galeen iyo sida wanaagsan ee ay u doorteen madaxweynaha waana taageereynaa, waxaan cadeynayaa in Turkiga uu sii wadi doono taageerada ay u heyso Soomaaliya, sidoo kalana uu imaan doono dhawaan halkaan gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga,”  ayuu yiri.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn dalalka Caalamka ee saaxibka dhaw la ah dowlada Soomaaliya iyo umada Soomaaliyeed, horayna waxaa Muqdisho u yimid Ra’isulwasaaraha dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here