Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta u diiday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pr Jawaari inuu ka qeyb qaato kulanka Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta xaadiray kulankii Baarlamaanka, isagoo u diyaarsanaa inuu shir gudoomiyo, balse taasi waxaa ka hor yimid xildhibaanada Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa ku amray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inuu isaga baxo hoolka uu ka socday shirka, isla markaana uusan awood u lahayn inuu shir gudoomiyo.
Xildhibaan Cumar Islow ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha, taasna aysan u ogolaaneynin inuu shir gudoomiyo kalfdhiga Baarlamaanka.
“Gudoomiyaha barlamaanka hada waa sii hayaha xilka madaxweynaha, waxaana jira sharci aan u ogolaanayn inuu shir gudoominayo kalfadhiga barlamaanka”ayuu sheegay Cumar Islow.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo intaasi kadib la hadlay Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa u sheegay inuu ogol yahay sharcigaas qabtay, isagoo amray inuu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa Koobaad, wuxuuna sidaasi uga soo baxay Hoolka Shirka uu ka socday.
Waa marki ugu horeysay ee masuul sare uu qabto sharciga, waxaana muuqata in Baarlamaanka Soomaaliya ay ilaalinayaan shuruucda dalka iyo mida baarlamaanka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
HADDII UU WARKAAN RUN NOQDO, MR JAWAARI WAA INUU DIB UGU NOQDAA BARASHADA SHARCIGA DASTUURKA, WAXAANA SHAKKI WEYN GELI KARA SHEEGASHADIISA KU SAABSAN SHARCI YAQAAN.