Gudoomiyaasha Gudiyada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ladoortay

Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay gudi hoosaadyada ku doorteen guddoomiye, ku xigeen iyo xoghayaha, iyadoo guddiga doorashada galay ka mid ah guddiga difaaca iyo guddiga xuquuql insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimda.

Gudiyada baarlamaanka oo ka kooban 15 gudi, ayaa gudi walbo waxa uu ka koobanyahay 18 Xubnood, waxaana maanta fadhiga baarlamaanka shirgudoominayay gudoomiye Ku Xigeenka, Jeeylaani Nuur Iikar.

Gudiyada baarlamaanka ee ilaa iyo hada ku guuleeystay ineey doortaan madaxda hogaamin lahayd ayaa waxay kala yihiin.

= Guddiga beeraha, hormarinta reer miyiga, xoolaha iyo kheyraadka Badda,
= Gudiga xaquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada,
= Guddiga wacyigalinta, dhaqanka, boostada iyo isgaarsiinta,
= Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha,
= Guddiga xeer-hoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada
= Guddiga Difaaca.

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo arrimaha bani’aadamnimada ayaa sheegtay inay maanta billowdeen doorashada guddi-hoosaadyada baarlamanka, iyadoo sheegtay in maanta ay si toos ah u bilaabatay doorashada gudoomiyaasha gudiyada.

Sidoo kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xukuumadii KMG, Xusee Carab Ciise, balse ahada kamid ah baarlamaanka, ayaa waxaa isna loo doortay gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamanka, mar uu Saxaafada lahadlayna waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in xilkaas loo magacaabo.

Qaar kamid ah Xilibaanada maanta kasoo qayb galay kulankaan lagu dooranayay gudoomiyaasha gudiyada xeer hoosaadyada, ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay in doorashadaan ay socon doonto ilaa maalinta beri ah, markaasoo wixii ka danbeeyo ay mudanayaasha gali doonaan Fasax.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here