Gudigii gurmadka fatahaada oo maanta Muqdisho kula kulmay Hey’adaha samafalka

Shir ay maanta isugu yimaadeen Gudigii heerka Wasiiro ahaa iyo Hay’adaha Samafalka oo uu shir-gudoominayay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdullaahi Goodax Barre ahna Gudoomiyaha Gudiga gurmadka fatahaadii ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan.

Kulanka ayaa ahaa kii labaad oo ay isugu yimaadeen Gudiga iyo hay’adaha Maxaliga iyo kuwa Caalamiga ah oo dhamaantood ku sugan Magaalada Muqdisho, Waxaana kulanka looga hadlayay sidii loo gaarsiin lahaa Gar-gaarka bini’aadanimo oo ay hay’aduhu isugu keeni lahaayeen agabyadii ay balan qaadeen shirkii dhacay Jimcihii la soo dhaafay.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulanka kadib saxaafadda la hadlay. Wuxuuna tilmaamay in Gargaarka magaalada Beledweyne uu meel fiican marayo islamarkaana hay’aduhu wixii ay balan qaadeen ay ku wareejiayaan Hay’ada Masiiboobyinka, Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Gar-gaarka la diyaarshay uu isugu jiro, Raashin, Dawo, Mara-kaneeco, Maacuun iyo Teendhooyin IWM.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gar-gaar kaas si deg-deg ah loo gaarsiin doono dadkii ku waxyeeloobay Magaalada Beledweyne iyadoo lagu daad gureyn doono Diyaarado iyo Gawaari.

Wuxuuna sidoo kale xusay in Gar-gaarka badankiisa soo direen dowlado iyo hay’ado Islaami ah sida Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Ciraaq.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in hoos u dhac ku yimid biyihii ku soo fatahay magaalada Baladweyne balse cabsida la qabo ay tahay inay halkaas ka dilaacaan cudarada faafa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here