Gudigii ay doowlada u dirtay Kismaayo oo ka warbixiyay wixii ay soo arkeen

C/raxmaan Xoosh Jibriil, oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, hadana kamid ahaa gudigii ay doowlada u dirtay ineey soo dhex dhexaadiyaan arimaha ka taagan magaalada Kismaayo, ayaa sakaay mar uu wareysi siinayay VOA-da, waxa uu ka hadlay arimaha Kismaayo ka taagan iyo madaxweynayasha tirada badan ee isku magacaabay gobolkaasi.

C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in gobolada Jubooyinka hadii ay sidaan kusii socdaan, ay goordhow cagaha la gali doonaan dagaalo sokeeye, qaarkoodna ay ku biiri doonaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab, hadii aan laga hortagin waxyaabaha ka soconaya Kismaayo.

“Waxaa la rabaa in hada lasoo celiyo dagaaladii sokeeye, sida aan u jedana hadii ay saan wax kusii socdaan dad farabadan oo deegaanka degan islamarkaasna aan la tixgalin ayaa xanaaqsan, waxaana muuqata ineey ku biiri doonaan Al-shabaab, taasna horay ayay u dhacday” ayuu yiri Xoosh jibriil.

Sidoo kale waxa uu shegay in madaxweynayaasha badan ee isku magacaabay Jubaland, in kaliya ay ku koobanyihiin magaalada Kismaayo, islamarkaasna uusan jirin mid kamid ah oo 10km banaanka uga bixi kara, waxaana uu sidookale cadeeyay in waxa hada Kismaayo ka socda ay yihiin wax xaaraan ah oo aan loo dulqaadan Karin.

“Anagoo Federaalka mataleeyno oo Kismaayo joogna Goobweyn oo 10km noo jirta ma tagi karno , Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Buraale iyo nimanka kaloo madaxweynaha isku magacaabayna ma tagi karaan, marakaasan waxaan sheeganeeynaa Jilib iyo Jamaame iyo Gedo” ayuu yiri Xoosh Jibriil.

Xaalada Kismaayo ee Xaruunta Jubada Hoose, ayaa mudooyinkii danbaba waxay ahayd mid cakiran, kadib markii ay yeelatay ilaa iyo 5 madaxweyne oo kala kala talinaya xaafadaha kala gadisan ee magaalada.

Doowlada Soomaaliya, ayaa dalbatay in la joojiyo rabshadaha kajira Kismaayo, iyo masuuliyiinta faraha badan ee is magacaabaya.

Shacabka ku dhaqan jubooyinka, ayaa ku kala aragti duwan madaxweynayasha tirada badan ee ay Kismaayo yeelatay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. Ninkan hadalkiisa wuu is burinayaa. Asaga oo Federal sheeganaya hadii uu Kismaayo tagi karin, meelo badan wadanka gacan oogu jirin, muxuu dowlada u sheeganayaa???? Hadii uu ragga u diidan yahay in ay sheegtan dowladnimo?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here