Gudigi ay dowlada u dirtay Baladweyne oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Guddi isugu jiray wasiiro iyo xildhibaano oo ay dowlada KMG dhawaan u dirtay magaalada Baladweyne ayaa dib ugu soo laabtay.

Gudigaan oo uu hogaaminayey wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/laahi Goodax Barre ayaa soo qaabeeyey habka uu noqon doono maamul cusub oo ay dowlada u dhisi doonto halkaasi.

Mr Goodax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay lasoo kulmeen 14-ka qabiil ee dago gobolka Hiiraan kuwaasi oo uu sheegay in ay kala soo arrinsadeen soo xulida maamulka.

“Waxaan la kulanay dhamaan qabiilada dega Hiiraan oo ah gobolka ugu badan ee ay daganyihiin qabaa,ilo kala duwan, waxaan dhamaantood ku qancinay maamulka cusub oo ay dhamaan wada ogolaadeen,” ayuu yiri.

Wasiirka qorsheynta ayaa tilmaamay in marki hore ay doorteen habka maamulka ee kala ah in guddi la dhiso iyo in gudoomiye la magacaabo, isaga oo intaasi ku daray in ay qaateen habka gudoomiyaha iyo sadex ku xigeen.

Maamulkaan ayaa la filayaa in dowlada KMG Soomaaliya ay kaga dhawaaqdo, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in gudoomiye loogaga dhigi rabo nin uu wato C/fataax Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha maamulka Dooxada Shabelle.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.