Gudiga Xuquuqul Insaanka B.Soomaaliya oo la kulmay Gudiga Xuquuqul Insaanka Midowga Yurub+Sawiro

Shir looga hadlayay Xuquuqul Insaanka Caalamka, ayaa shalay waxaa lagu soo gaba gabeeyay magaalada Brussels ee wadanka Biljimka, shirkaan ayaa Soomaaliya waxaa uga qayb galay Gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka, oo ay hogaaminaysay Marwo Khadiijo Diiriye.

Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-7

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo ah madaxa Gudiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka DFS, islamarkaasnahogaamineysay Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Warbaahinta doowlada Federaalka Soomaaliya, mar ay wareysi siineysay, waxay sheegtay, in shirka looga hadlay qaabka ay Baarlamaanka door ama saameeyn ugu yelan karaan dhowrista Xuquuqda aadanaha.

“runtii shirkan waxa uu ahaa shir aad muhiim u ah marka loo fiiriyo dalkeenna waayo waad la socotaan xaalada xuquuqda aadanaha Soomaaliya halka ay mareyso,waxyaabaha ugu muhiimsan ee inooga baxay waxa ay tahay in sharci walba ee uu dal yeelanayo ka hor inta aanay Baarlamaanku ansixin aynu ka fiirino in sharcigaasi uu yahay mid adkeynaya dhowridda xuquuqda Aadanaha”ayey tiri Gudoomiyaha gudiga xuquuqda aadanaha,arrimaha bani’aadannimada,haweenka iyo carruurta ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaannad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-1 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-2 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-3 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-4 (1) Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-4 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-5 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-6 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-7 Shirka-Xuquuqul-Insaanka-Brusseles-8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here