Gudiga doorashada oo maanta bilaabaya arji qabshada musharaxiinta

Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta bilaabaya qabashada araajida musharaxiinta u taagan xilka hogaamiyaha dalka.

Qabashada araajiada ayey gudiga doorashooyinku sheegeen in ay bilaabaneyso saacada marka ay tahay maanta 9:00 subaxnimo waxaana ay socon doontaa ilaa iyo lixda bishaan.

Doorashada madaxweynaha oo ka dhici doonto Muqdisho 10-ka Septembar ee aynu ku guda jirno waxaa la filayaa in ay ku tartamaan musharaxiinti ugu badnaa ee abadi isu soo tagao doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Afhayeenka gudiga doorashada Ismaan Libaax ayaa sheegay in ay kusoo dareen shuruudaha qodob ah in musharaxa uu keeno basaboor Soomaali ah.

“Maanta waa 3-da September arji qabashada ayaa bilaabaneysa 9:00 subaxnimo ayey furmeysaa waxayna dhamaaneysaa ilaa 6-da bisha, musharax kasta waxaa laga rabaa inuu la yimaado baasaboor Soomaali ah si loo hubiyo in uu sax yahay,”

Waxaa iyana wali taagan qodob dastuuri ah oo sheegaya in musharax kastaa uu keeno saxiixa 20-xildhibaan, balse shalay ayey kusoo dareen gudiga doorashada qodob ah in xildhibaan kasta uu sadex musharax siin karo saxiixiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here