Gudiga Doorashada Madaxweynaha oo haatan kulan ku leh Muqdisho

Gudiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoonka sare ee baarlamaanka ayaa haatan kulan uga soconayaa xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir gudoominayo gudoomiyaha baarlamaanka waxaa goob joog ka ah madaxa gudiga doorashada Maryan Cariif waxaana loogaga hadlayaa shuruudaha la saari doono ka qeybgalayaasha doorashada iyo xiliga ay dhici doonto.

Inkastoo aanan la ogeyn hadana shuruudaha Madaxweynaha ayaa la filayaa in la saaro lacago ka badan tan gudoomiyaha baarlamaanka, halka taariikhdana la hadalhayo in laga dhigi doono 5-ta ama 10-ka bisha September.

Dhanka kale, dadka falanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in dadka ugu cad cad doorashada madaxweynaha uu ugu horeeyo madaxweynihi ugu danbeeyey ee Dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here